Waxaa goor dhoweyd Muqdisho lagu dilay sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Nabadsugidda Qaranka ee NISA, waxaana toogashada ay ka dhacday xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogeyaal ahaa ayaa sheegay in dabley baabuur wadatay ay toogteen ninkan oo isna la socday baabuur kale. Ninkaasi ayaa wararku sheegayaan inuu isla goobta ku geeriyooday markii rasaas fara badan ay haleeshay.
Ninka la dilay oo ahaa xubin ka tirsanaa hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaan weli magaciisa la shaacin.
Wadani.com