Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan ciidamada NISA toogasho lagu dilay.
Dilka Sarkaalka ayaa ka dahcay Maqribnimadii Caawa degmada Waaberi, agaagaarka Hotelka Dayax, iyadoo dabley hubeysan ay gaadmo ah rasaas ugu fureen.
Sarkaalka la toogtay ayaa magaciisa lagu sheegay Gaashaanle dhexe C/casiis Carraaye sida ay sheegayaan laamaha ammaanka dowladda Federaalka, wuxuuna ka tirsanaa ciidamada nabadsugidda.
Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay inay degdeg goobta uga baxsadeen markii ay hubsadeen inay dileen sarkaalkan, waxaana goobta tegay ciidamada ammaanka.
Dilalka lagu khaarijiyo saraakiisha dowladda iyo mas’uuliyiinta ayaa inta badan waxaa sheegtay kooxda Alshabaab.
Wadani.com