Xaalad kacsan iyo jahawareer ayaa ka taagan Hotelka Hayat ee magaalada Muqdisho oo habeenkii lababad ay qeybo ka mida heystaan maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo xalay weerar ku galay.
Ciidamada dowladda ee kala duwan sida Booliska, NISA iyo Alfa ayaa ku fashilmnay inay muddo 24 saac ah raggaasi ka saaraan Hotelka ama toogtaan, iyadoo burbur weyn gaarsiiyey Hotelka oo halis ugu jiro in gebi ahaan la burburiyo.
Wararkii ugu danbeey ayaa sheegaya in ciidamada dowladda dhexdooda ay rasaas isku fureen, iyadoo iska hor imaadkaasi lagu dhaawacay Gaashaanle Bashiir Durqan oo ka mida taliyeyaasha ciidamada Booliska Gobolka Banaadir.
Sarkaalkan ayaa hadd ah Taliye ku xigeenka Qeybta galbeed, wxaana dhaawiciisa la geeyay isbitaalka Digfeer, iyadoo sidoo kale lala dhaawacay qaar ka mida askartiisa.
Dhinaca kale ciidamada dowladda ayaa laga saaray Hotelka iyo agagaarkiisa, waxaana la sheegay in amar lagu bixiyey in la qarxiyo Hotelka iyo Qeybta ay ku jiraan maleeshiyada Alshabaab oo la sheegay inay saddex Dabley ah yihiin, lagana saari waayey hotelkaasi.
Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa gaaray Hotelka, waxayna wararku sheegayaan inuu halkaasi ku yimid amar ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalbaday in caawa lasoo gabagabeeyo howlgalka.
