Maxkamadda Ciidamda Qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay maanta Laba xidigle ka tirsanaa ciidamadda xoogga dalka oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud), kasoo ku eedeysay inuu Qori dhashiike ah ku riday dad shacab ah, kaasoo dilay Marxuum la oran jiray Dayax Iimaan Xasan.
Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday xukunka toogashada ah, kadib markii ay dacwadiisa soo dhammaaday, waxaana Laba xidigle Xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) lagu soo eedeeyay Dil bareer ah oo uu u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasan 21-ka bishii September 2018, dilkaasi oo ka dhacay aga-gaarka Seybiyaano degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Marxuum Dayax Iimaan Xasan ayaa ahaa wiil dhallinyara ah, waxa uu sidoo kale ahaa darawal Gaari yar oo nooca raaxada ah, isagoo sidoo kale soo dhameeyay heerka wax barashada koowaad ee Jaamacadda Plasma.
Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side ayaa fadhiga ka sheegay in eedeysanaha uu u adeegsaday qori Dhashiika ah meel ciriiri badan ka jiro balse qoriga loogu tala galay furumaha dagaalka.
Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa sheegay in u jeedkiisu ahaa sidii uu u furi lahaa waddada oo aheyd Baarta jaadka halka loo yaqaano xilligaasi oo ay saxmad ka jirtay balse lagu war geliyay in ay sabatay xabadii uu riday dhimashada Marxuum Dayax Iimaan Xasan.
Qareenada ayaa ku dooday in loo naxariisto sarkaalka loona fududeeyo xukunka maadama uu goobta fal ka dhacay ay aheyd goob Saxmad ah.
Ugu dambeyn maanta ayaa go’aan laga gaaray, waxaana lagu xukumay eedeysane Ex, Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) dil toogasha ah oo ah qisaastii Marxuum Dayax Iimaan Xasan, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Sarkaal xukunsanaha ah ayaa heysta fursad kale uu uga qaadan karo rafcaan Xukunka Maxkmadda Darajada koowaad.
