Sida ay baahisay warbaahinta Uganda askari ka tirsan Ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM ayaa xerada Xalane ku toogasho ku dilay sarkar Sare iyo laba askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM.
Falkan oo ka dhacay maalintii Sabtidii xerada Xalane ayaa ka danbeeyay markii uu muran dhex maray Kormeerihiisa, ayna isku qabteen arrimo shaqo, taasoo keentay inay gacanta isula tagaan kadibna rasaas uu furay askarigaas.
Waxaa goobta lagu dhintay sarkaalkii Kormeeraha ahaa iyo laba askari. Waxaana kadib is dilay askarigii falkaasi ku kacay.
Warbaahinta Uganda ayaa arrintan wax ka qortay, iyadoo aan la shaacin magacyada askarta iyo Sarkaalka sare ee Xalane lagu dilay.
Afhayeenka Ciidanka Difaaca Richard Karemire ayaa Suxufiyiinta Kampala u sheegay inay wadaan baaritaano la xiriira kiiskan.