Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Sarkaalad u dhalatay dalka Ghana oo Taliye ka ah saddex Saldhig Boolis oo ku yaalla Muqdisho

    Sarkaalad u dhalatay dalka Ghana oo Taliye ka ah saddex Saldhig Boolis oo ku yaalla Muqdisho

    December 17, 20173 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Gladys Duneebon waa sarkaalad Boolis ah,waxaa ay u dhalatay Dalka Ghana,waxaa Soomaaliya la keenay 8 bilood ka hor,si ay uga mid noqoto Booliska Ghana ee jooga Soomaaliya.

    Duneebon,waxaa ay ka sheekeyneysaa muddadaas ay joogto Soomaaliya,gaar ahaan Muqdisho,waxaa xirfaddeeda ku kordhay in ay noqoto Wade gawaarida mid ka mid ah kuwa ugu adage e Ciidanka oo ay nadir tahay in ay Haweenka ka xeeyaan.

    “waan ogahay in Soomaaliya yahay dal dagaal, ma aqaan waxa aan kala kulmi doono,waxaan rajeynayaa in anigoo nabad qabana aan dalkeyga ku laabto, shaqadeydana dhameysto,waxaa ay ku darmi doontaa khibraddeyda shaqo ee 22ka Sano ee Ciidanka ah”, ayey tiri.

    Hadda waa Taliyaha Saddex Saldhig Boolis oo ku yaalla Muqdishowalina waa mid ka mid ah Wadaha Gaari nooca APC (Armoured Personnel Carrier). Waxaa iyaga oo koox ah ay tababaraan Booliska Soomaaliya,Ciidamada Booliska ee Soomaaliya waxaa ay iyada u yaqaanaan mamba,waxaa ay ka xeysaa Gaarigan APC xilliyada howgalka wadajirka ah ay sameynayaan Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

    Dhinaca kale nolosheeda askarta dhexdeeda waa madadaaliso,waxaa ay mar kasta ka qoslisaa askarta ay wada shaqeynayaan,marka ay ka soo laabtaan howlgallada waxaa ay kula kaftantaa afkeeda Ghana ee hodonka ah.

    Mamba waa Gabar ad adag ,maxaa yeelay Gawaarida ay Ragga ka xeeyaan ayaa lagu amray in ay 10 maalmood ku barato ka xeyntooda, wey ku adkeyd laakiin wey ku guuleysatay ugu dambeyntii.

    Sargent Gladys Duneebon driving an APC in Mogadishu, Somalia. Photo/Monicah Mwangi

    APC,waddamada colaadaha waxaa ku ka xeeya Ragga kaliya,laakiin Gladys , waxaa ay ku faraxsan tahay in ay ka mid tahay saddex Haween ah oo ku jira AMISOM wadayaalna ka ah Gaarigaas,waxaa ay kala yihiin mid kale oo Ghana u dhalatay oo Muqdisho jooga iyo mid Kenyaan ah oo Kismaayo joogta.

    “Ma taqaannaa sida aan ugu faraxsanahay oo ay gaar iigu tahay in Rag ay gadaasheyda fadhiyaan,oo ay iga sugaan in aan aniga dhaqaaqo kaddibna ay dhaqaaqaan,ma qiyaasi kartid sida ay sharaf iigu tahay arrintan”,ayey tiri Gladys .

    Waxaa ay sheegtay in Ragga ay is hayaan ee Al-shabaab ay u sahlan tahay in ay bartilaameed u noqoto waayo waa Darawal,Ragga iyada la shaqeeya waa Rag,waxaana ay leeyihiin wixii ay kala helaan.

    “Bishii June waxaan dul maray Miino dhulka ah,waxaa gabi ahaan bur buray Gaarigii aan waday,dhaawac ayaa I soo gaaray Bowdada ,nasiib ayaan lahaa in aan ka baxsado”.

    Dhinaca kale waxaa ay hoggaamisaa koox Saraakiil Boolis AMISOM ah oo tababara Booliska Soomaaliya,waxaa ay sidoo kale dabagalaan shaqada Booliska Soomaaliya.

    “Saddexda Saldhig, waxaan ilaa hadda tababarnay 180 Askari oo Soomaali ah, mararka qaar Booliska Soomaalida waxaa ay ku guul darreystaan in ay nala shaqeeyaan,mararka qaarna waxaaba ay diidaan amarradeenna,mana qasbi karno, waxaa ay ku doodaan in aysan heysan kheyraad ku filan, waxaan isku dayaa in aan qanciyo oo aan aniga mas laxeeyo ilaa ay ku soo laabtaan tababarka maaddaama aan xoog ku lahayn”,ayey sii raacisay hadalkeeda.

    Gladys,waxaa ay sheegtay in ay ku faraxasan tahay in howlgalkii ugu horreeyay meel ka baxsan dalkeeda ay ka sameyso,waxaana ay sheegtay in ay ku faaneyso shaqadeeda.

    Isha: The Star .

    W/Turjumay:Adam Ibrahim Farah “Showqi”

    AMISOM Gladys Duneebon Muqdisho
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Xildhibaan Dhagey oo Beesha Duduble usoo bandhigay qorshe halis ku ah jiritaanka Galmudug
    Next Article Fal naxdin leh oo Gurigiisa lagu gowracay Nin dhalinyarro ah oo ka dhacay Muqdisho [Warbixin]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo