Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Sawir Siyaasadeedka Qoorqoor, C/raxman C/shakur, Kulane iyo Saadaq Joon (Qormo Naqdin ah)

    Sawir Siyaasadeedka Qoorqoor, C/raxman C/shakur, Kulane iyo Saadaq Joon (Qormo Naqdin ah)

    February 16, 2022Updated:February 16, 20224 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Commentary on Presidential Decree Legalizing 2016 Election
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Sawir siyaasadeedka ee Madaxweyne Axmed Cabdi Karie Qorqor iyo Xildhibannada kala ah Cabdiraxman Cabdishakur, Saadaq Cumar Xassan, iyo Cabdullahi Aadan Kulane

    Waxgarad fiican ayaa ka diday, dhibsaday sawirka siyaasadeedka ku wada jiraan Madaxweyne Qorqor iyo saddexda Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakur, Cabdullahi Aadan Kulane, iyo Saadaq Cumar Xassan oo ah sawir Madaxweyne Qorqor la habboonaday sida laga garan karo qoraalka Cabdiraxman Cabdishakur soo dhigay bartiisa Facebook.

    Kulanka sawirka lagu qaaday sawirka waxaa abuubalay Madaxweyne Qorqor saacad dambe ee habennimo, kuna casumay Cabdiraxman Cabdishkur faahfaahin la’aan. Wararka waxay sheegayaan in kaddib markii la ogaaday in Xildhibaan, Musharrax Madaxweyne Cabdiraxman Cabdishakur ka ambabaxayo Magaalada dhuusamareb, horeyna loola socday in Cabdiraxman Cabdishakur dabajoogo gaboodfal ku dhacay asaga, ilaaladiisa, iyo madax kale 17kii Disember 2017, kaddib markii lagu weeraray gurigiisa, ayaa Madaxweyne Qorqor abaabulay kulan kedis ah.

    Gaboodfalkaas waxaa lagu eedeynaya Ciidammo ay madax ka ahaayeen labada xildhibaan Saadaq Cumar iyo Cabdullahi Kulane oo kala tirsanaa Ciidanka Booliska iyo Ciidanka Nabadsugidda, haseyeeshe Madax Sare ay bixiyeen amarka weerarka lagu dilay 5 askari oo ahaa Ilaalada Cabdiraxman Cabdishakur, kana tirsanaa Ciidanka xoogga dalka iyo qof haween ah, waxaana lagu dhaawacay asaga iyo madax kale ee la joogtay.

    Ilaa maantana waxaa la raadinaya halka lagu aasay meydka 5ta askari iyo qofka dumarka ah ee la dilay. Sida hadda ka hor uu sheegay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka muddo xileedkiisa dhammaday Cabdi Xaashi, dhaqan xumada Madaxweyne hore Maxamed Cabdullahi Farmajo ku soo kordhiyay siyasadda Soomaaliya waxaa ka mid ah shirar iyo sawirro si kedis ah loo qaado, kaddibna baraha bulshada lagu faafinayo si dadweynaha loo marin habaabiyo ama shaki loogu abuuro. Waa laga fiicnaa in Madaxweyne Qorqor oggolaado in la qaado sawir tuhun iyo muran siyaasadeed abuuraya, kaddibna baraha bulshada la soo geliyo.

    Haddii ujeedadiisa aheyd in xal laga gaaro dhibaatada Cabdiraxman Cabdishakur tirsanayo waxay aheyd inuusan sawirka ku mashquulin. Eedda Saadaq Cumar iyo Cabdullaahi Kulane waxay tahay inay dadweynaha la wadaagan dhibaatada dhacday isla markaana caddeeyaan Madaxda Amarka soo siisay, kuwaasoo ilaa maanta aan dadweynaha la wadaagin sababaha ay amarkaas u bixiyeen iyo ujeedada ka dambeysay, iyo sababaha ay sharciga u raaci waayeen inay dambi ka hortagayeen. Saadaq Cumar iyo Cabdullahi Kulane waxay ahaayeen amar fuliyayaal fuliyay amar sharcidarro ah.

    Arrimaha furaha u noqon kara xalka gaboodfalka dhacay 17kii Disember 2017 waxaa ka mid ah:

    1. In warbaahinta iyo hay’adaha xuquuqul Insaanka iyo dadweynaha la soo tuso qubuurihii lagu aasay meydka.

    2. In labada xildhibaan sheegaan Madaxda Sare ee siisay amarka lagu weeraray Cabdiraxman Cabdishakur, hadafka weerarka, qarinta meydka, iyo sababaha aan gargaar caafimaad loogu fidin dadkii dhibaatada ka soo gaartay.

    3. In Dowladda Federaalka bixiso magdhaw iyo xaalmarin daahfuran ee la siinayo dhaxaltooyada muwaadiniintii la dilay iyo Cabdiraxman Cabdishakuur iyo intii kale ee dhibaatada ka soo gaartay weerarkaas.

    4. In mushaar joogto ah loo qoro xaasaskii, caruurta, iyo waalidiinta ay ka tageern dadkii xaqadarrada lagu dilay.

    5. In Cafis bixiyaan dhaxaltooyada 6dii qofood ee la dilay, intii dhibaatada ka soo gaartay gaboodfalkaas ee uu ku jiro Cabdiraxman Cabdishakur.

    Waxaan qabaa in Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakur Warsame ku adkeyd inuu diido sawirka Madaxweyne Qorqor ku taliyay, haseyeeshe ma filayo inuu wax ka beddelayo inay lagama maarmaan soo afjaridda daahfuran ee weerarkii dhacay 17kii Disember 2017.

    Madaxweyne Qorqor iyo Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakur waxaa ka dhexeeya mas’uuliyad wada shaqeyn iyo is tixgelin guud madaama ay wada matalaan danaha dadka iyo deeganka Galmudug. Xildhibaan Saadaq Cumar iyo Xildhibaan Cabdullahi Kulane waxaa la gudboon inay mas’uuliyadda gaboodfalka ku wareejiyaan Madaxdii siisay amarka sharcidarrada ah, isla markaana ka qayb qaataan ka bogsashada dhibka dhacay. Haddii labada Xildhibaan aysan ka qayb qaadan gaboodfal loo geystay Cabdiraxman Cabdishakuur waxaa u furan inay caddeeyaan.

    W/Q: Dr. Maxamud M Culusow

    Commentary on Presidential Decree Legalizing 2016 Election
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticlePuntland oo mar kaliya shaacisay Kuraasta Golaha Shacabka ee lagu dooranayo Boosaaso (Akhriso)
    Next Article Alshabaab oo shaacisay inay Saacado maamuleen qeybo ka mida Muqdisho (Weerarro iyo Qaraxyo)

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo