Rabshado xoogan iyo qas a maanta ka dhacay Magaalada Boorame Gobolka Awdal ayaa keenay in la gubo guriga taliyaha Booliska magaalada, waxayna arrintani ka dambeysay rabshado daba socday markii shalay garoon kubadda Cagta ee magaaladaasi lagu dilay wiil ka mid ahaa dadkii ciyaarta daawanayay rabshad ka dhacday ciyaarta dareed.
Eehaladii wiilka dhintay oo ka carooday dilka wiilkooda ayaa dalbaday in si degdeg ah loo soo qabto ciddii ka dambeysay dilkiisa; basle dadweyne Careysan ayaa dab qabadsiiyey Guriga uu Magaalada Boorame ka degan yahay Taliyaha Booliska Magaalada Boorame Jeneraal Caraweelo.
DAAWO RABSHADAHA BOORAME KA SOCDA
Wadani.com