Jariirada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ayaa qortay maqaal ku saabsan nin kooxda Daacish u adeegsato dalka Ciraaq si uu argagax ugu beero dadka, loogu qabso dhalinyarada inay ku biiraan kooxdani.
Ninkan oo ah nin jir ahaan aad u weyn sida sawirka ka muuqda waxaa loogu magacdarray “Baldoosar” ama Katarabiil, waana nin aad u weyn oo mar waliba wejiga u duuban yahay waxayna shaqadiisu tahay in uu qoorta ka jaro oo uu cadaabo dadka hortooda dhammaan dadka ay Daacish dooneyso in la dilo ama xubnahooda la jarjaro.

Caadiyan wuxuu ninkan adeegsadaa Seef dheer oo uu meel fagaare ah dadka hortooda qudha uga jaro dadka la doonayo in la daldallo si dadka caadiga ah ooogu cabsiiyo.

Baldoozarkani waxaa lagu tilmaamay ninkii argagaxa ku diray magaalooyinka dalka Ciraaq ee Daacish gacanta ku heyso waana musiibo weyn oo dadku aad uga baqaan. Sawirkii ugu horeeyay ee ninkan wuxuu soo muuqday June 2014 isagoo markaas xambaarsanaa Qori diyaaradaha ah oo culeyskiisu gaarayo 52 Kg.

