Kooxda Alshabaab ayaa baahisay sawirrada qalab ay sheegtay inay kala hartay ciidamo Mareykanka oo weerar ku qaaday xarun ay ku leeyihiin gobolka Shabeelada Hoose.
Alshabaab ayaa sheegay in qeyb kamid ah Jirka askari American ah ayaa lagu arkay barxadda weyn ee deegaanka Daarusalaam oo dagaal ku dhex maray ciidamada ciidamada Mareykanka iyo kuwa Alshabab.
Sawirrada waxaa ka muuqda qalab kala duwan oo dawooyin rasaas iyo agab kale isugu jira. Waxaa kaloo ka mida aaladda GBS-ka loo yaqaan. Mareykanka ayaa shaaciyay in askari looga dilay weerar ka dhacay Gobolka Shabeelada Hoose.
DAAWO SAWIRRO