Warbaahinta kooxda Al-shabaab ayaa soo bandhigay muuqaalka Gaari Caasi ah oo la sheegay inay xalay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.
Gaari Caasi ah oo khudaar saaran tahay ayay sheegeen Alshabab in ciidamada Mareykanka ay Duqeeyeen isagoo marayay duleedka degaanka Mubarak Ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxayna sheegeen inaysan cidka saarneyn gaariga xilliga la duqeeyay oo ay jiif ka doonteen darawalka iyo kirishboygii la socday.
Warar hore u soo baxay ayaa sheegay in gaariga uu siday waxybaaha qarxa oo qaraxyo kale ka dhaceen markii la duqeeyay, iyadoo aanay jirin wax war ah oo weli kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya.
Waxaa goobta duqeynta ka dhacay isugu soo baxay boqolaal qof iyadoo Alshabaab ay baahiyeen muuqalada gaariga la duqeeeyay oo aan u muuqan mid qaraxyo ay saarnaayeen.
SAWIRRO






