Arrin la yaab leh ayay saaka ku soo toogeen dadka ku nool degmada Howlwadaag e magaalada Muqdisho, taasoo fajac ku riday dadka degaanka.
Xoolo la gowracay gaara haan Ido ayaa lagu daadiyey xalay xaafad ka mida Degmada Howlwadaag, waxaana dadka degaanka ay arkeen in ka badan lix neef oo ido ah, kuwaasoo gowracan, isla markaana la dhigay wadooyinka iyo guraha hortooda.
Lama oga cidda falkan ka dambeysay iyo sababta loo sameeyay arrintan oo ku cusub magaalada, waxaana la hadal hayaa arrintan oo cabsi gelisay dadka degaankaasi oo isugu soo baxay inay daawadaan Idaha iyagoo la gowracay la dhigay xaafaddaasi.