Waxaa maanta magaalada Kismaayo ka dhacay dil toogasho ah oo lagu fuliyey saddex dil sugeyaal ahaa oo dembiyo kala duwan dartood loogu xukumay in la toogto.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland oo hore dilkan ugu xukuntay saddexda eedeysane ayaa saaka dilka toogashada ah lagu fuliyey saddex askari oo kiisas dilal ah uga geystay magaalada Kismaayo.
Dil sugayaasha la toogtay waxay kala ahaayeen: Cabdullaahi Asad Ismaaciil, oo xaaskiisii ku dilay Kismaayo, Cabdirashiid Axmed Xasan oo nin shacab ah dilay iyo Aadan Cabdi Muumin oo isna askari hore u dilay, waxayna toogashada ka dhacday Barxadda Akadeemiya magaalada Kismaayo.


