Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa magaalada Nairobi afur ugu sameeyay caawa xildhibannada Soomaalida Kenya oo uu hoggaminayey hogaaminaya Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aden Barre Ducaale.
Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in looga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo khilaafka dhex yaalla Maamulka Jubbaland iyo dowladda Madaxweyne Farmaajo, arrintaas oo xildhibaannada Kenya ay doonayaan in xal loo helo, si ay u wada shaqeeyaan labada dhinac.
Axmed Madoobe ayaa ka war helay qorshe ay wado dowladda Soomaaliya oo ku saabsan in aakhirka bishan uu ka dego xilka madaxweynaha Jubbaland, iyadoo taageeraysa isbaheysi ka horjeeda oo Muqdisho laga dhisay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dowladaha Kenya iyo Itoobiya ku qancineysa inay taageerada kala noqdaan Axmed Madoobe, taasoo keenay in Axmed Madoobe uu dhinaciisa olole ka bilaabo xilli hore.