Ciidamada ammaanka ee Gobolka Bari ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay walxaha qarxa iyo shan rag ah oo abaabulayay qaraxyo ka dhaca magaalada Boosaaso.
Walxahan qarxaha oo ahaa ilaa iyo 3 Fuusto lagu wadey ayaa la sheegay in loo diyaariyay in lagu qarxiyo goobo kala duwan oo ku yaala Boosaaso waxaana gaarigan laga qabtay wadada jidka 30ka ee Bosaaso gaar ahaan inta udhexeysa madaxtooyada iyo cusbitaalka 3 xidigood bosaaso.
Taliyaha qaybta gobolka bari C/xakiim Xuseen Yuusuf oo Warbaahinta kula hadlay Boosaaso ayaa faahfaahiyey hawlgalkan ciidamadu kusoo qabteen Kooxdaan katirsan Malayshiyaadka Al-shabaab waxaana uu xusay in ay la socdeen dhaqdhaqaaqa kooxdan.
Taliyaha ayaa shacabka usheegay iney dagaal ku jiraan loona baahanyahay iney la shaqeeyaan shacabka si looga guulaysto kooxaha kasoo horjeedka amaanka Gobolka.
DAAWO SAWIRRO