Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa gaaray dalka Marooko, safar dalxiis ah oo la sheegay inuu muddo qaadan doono.
Boqorka ayaa wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan ku wareejiyay talada Boqortooyada Sacuudiga sida lagu sheegay wareegto uu boqorku soo saaray, waxaana uu si KMG ah markii ugu horeysay u heyn doonaa tallada Sacuudiga oo ah dalka ugu weyn muslimiinta uguna awoodda badan.
Wiilka uu dhalay Boqorka ee Maxamed Bin Salmaan oo 31 sano jir ah, ayaa dhowaan uun loo magacaabay dhaxal-sugaha dalkaasi tallaabo lagu tilmaamay afgembi aan dhiig ku daadan oo ka dhacay qoyska xukuma Sacuudiga dhexdiisa.
Dalxiiska Boqor Salmaan ku aaday dalka Marooko oo uu saaka gaaray ayaa la sheegay inuu muddo qaadan doono, waxaana Salmaan oo 81 sano jir ah la sheegay in xaaladiisa caafimaad aanay fiicneyn oo wiilkiisa uu si rasmi ah u wadan doono talada dalkaasi.
SAWIRRO
Wadani