In ka badan 10 qof ayaa ku dhintay, waxaana dhaawacyo kasoo gaareen dad aan ka yareyn 50 kale, kadib qarixii maanta ka dhacay Isgoyska Zope ee magaalada Muqdisho.
Muuqaaladda goobta qaraxa ka dhacay ayaa muujinaya burbur aad u weyn iyo qasaare lixaad ah oo qaraxa uu dhaliyay, waxayna dadkii goobta ka dhowaa sheegeen inay awoodda qaraxa uu dadkii u dhowaa ka dhigay kuwo aan wax maqli karin.
Dhul aad u ballaaran ayuu saameyn ku yeeshay qaraxan, waxaana dadkii goobta tegay ay sheegeen inaysan weli arag qarax noocaas oo kale ah iyo burburka uu geystay heerka uu gaarsiisnaa.
Dhismayaashii ka ag dhowaa goobta ayaa burburay, waxaana burbur soo gaaray gawaari fara badan oo intooda badan ku bas beelay qarax
SAWIRRO
Wararkii ugu danbeeyay Qarax culus oo ka dhacay Muqdisho & Hotel caan ah oo loo dan lahaa