Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee howgalka ka dhanka ah Alshabaab ak fuliyay Gobolka Sh/Dhexe ayaa soo bandhigay Maxaabiis ka tirsan Alshabaab oo ay gacanta ku soo dhigeen.
Maxaabiistan ayaa gaaaraya 15 dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab, waxaana howlgalka ay ciidamadu ka fuliyeen degaanada kala ah: Daniga, Basro, Jambaluul, Buulo Barwaaqo iyo Beerta Shariif Cabdi Naasir.
Sarkaalkiisha ciidamada aya sheegay in howlgalka lagu dilay dagaalamayaal kale oo ka tirsan ururka Al-shabaab, iyadoo weli ay howlgallada ka socdaan degaanada ay iska galaan labada Shabeelle.