Ciidamada Amniga ee ku sugan degaanka Guriceel ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan is-miidaamiye ka tirsan Alshabaab oo damacsanaa inuu isku qarxiyo xaflad xus ah oo Ahlu suna maanta uga socotay degaanka Guriceel.
Ninka la qabtay ayaa isku dayey inuu gaaro goobta ay fadhiyeen madaxda Ahlu suna isagoo sheegay inuu gabay ka jeedinayo xafladda, laakiin markii la baaray ayaa lagu arkay inuu xirnaa jaakadda qarax, waxaana laga helay qalab fara badan oo jirkiisa ku xirnaa, kaasoo haddii uu qarxo galaafan lahaa madaxda Ahlu suna.
Ninkan ayaa ka yimid degmada Ceelbuur oo alshabaab ay ka taliyaan, waxaana uu asalkiisii ak tegay Gobollada Koonfurta Soomaaliya, iyado su’aalo ay weydiinayan saraakiisha Ahlu suna, waxaana sidoo kale la xiray qof la sheegay inuu gacan siiyey.
DAAWO SAWIRRADA



