Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada hotelka Saxafi oo saaka weerar xoog leh ay ku qaadeen kooxda Alshabaab ayaa sheegaya in weli dabley ka tirsan kooxda weerarka qaaday oo ku jiro dabaqda sare ee Hotelka halkaaso uu bambooyin iyo rasaas goosgoos ah ka ridayo.
Xaalada ayaan weli gacanta lagu dhigin iyadoo weerarku socdo muddo 4 saacadood ka badan, inkastoo inta badan hotelka laga saaray meydad iyo dad dhaawac ah, haddan waxaa weli ku xayiran dad caan ah oo culimo iyo siyaasiyiin ah oo la shegeey inaysan u suuragelin inay ka baxaan hotelka.
Hay’adda Nabadsugidda NISA ayaa sheegtay inay weli wado nadiifinta hotelka oo lala tacaalayo kuwii ka haray argagixisada. Waxayna arrintan muujineysaa inay beenowday sheegashadii AMISOM ee saaka oo ahayd inay soo afjareen weerarkii Hotel Saxafi.
Ciidanka NISA wey xakameeyeen weerarkii UGUS kusoo qaaden Hotel Sahafi waxaana lagu jiraa Nadiifin wixii kaharay argagixisada.
— NISA (@HSNQ_NISA) November 1, 2015
DAAWO SAWIRRO HORDHAC AH
GOOBJOOGE.COM