Dalxiisayaal ka socda dalka Shiinaha ayaa markii ugu horeysay yimid magaalada Muqdisho iyagoo dalxiis ah.
Dalxiisayaasha ayaa ka kooban 27 qof oo Shiinees ah, waxaana casho sharaf u sameeyay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yariisow oo sheegay inay qaadeen tallaabo ku dayasho mudan.
Dalxiisayaasha ayaa booqday goobo ay ka mid yihiin Liido, Jaziira, Xamarweyne, Tiyaatarka iyo goobo kale.