Magalooyin kala duwan ayay ciidamada Alshabaab kusoo bandhigeen magaalooyinka ay ka taliyeen ee Koonfurta Soomaaliya, iyagoo watay hub ay ka furteen ciidamada dowlada, kuwa Kenya iyo dharka ciidamada milateriga Soomaaliya.
Dhoolatuska Alshabaab ayaa ka dhacay Ceelbuur, Buq aqable, Kuuya-barrow, Jilib, Saakow iyo meelo kale, waxaan muuqalada hoos ka muuqda hub iyo dhar ay leeyihiin ciidamada milateriga Soomaaliya oo uu ka mid yahay dharkii gaarka ahaa ee ugu danbeeyay ee la siiyey Guutada 14-ka Oktoobar oo la sameeyay kadib qarixii Soope.
Saraakiil iyo askar xiran dharkaasi ayaa lagu dhex arkay maleeshiyada Alshabaab oo ka mid yahay waaliga Jubbooyinka ee Alshabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, waxaana dharkaasi hore weerar ugu geystay koox ka tirsan Alshabaab oo laba weerar ka fulisay magaalada Muqdisho.
Waaliga Jubbooyinka Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa ka mida ahaa saraakiisha ku lebisatay dareyska ciidamada ee guutada 14-ka Oktoobar.