Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Turkisha Airlines ayaa ugu danbeyn saaka u suuragashay inay ka degto garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii toddobaadkii ugu danbeeyay ay diyaaradaha shirkadan awoodi waayeen inay caga-dhigtaan Garoonka Aadan Cabdulle Cismaan ee Magaalada Muqdisho.
Turkish Airline ayaa saddex maalmood oo isku xigta dib uga laabatay Garoonka Muqdisho, markii danbeylo ka jiray jihada ay garoanka kasoo caga dhigato ay xayireen, waxayna rakaabkii ay sidan kala geysay magaalooyinka Jabuuti iyo Mombasa.
DAAWO SAWIRRO