Diyaaradihii ugu badnaa maalin qura ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib muddo saddex maalmood ah oo ay awoodi waayeen inay caga-dhigtaan.
Diyaaradaha ayaa siday rakaab fara badan oo maalmihii ugu danbeeyay xayirmay, waxaana garoonka laga dareemay mashquul fara badan, iyadoo rakaab ka badan kuwii hore ay soo gaareen.
Laba diyaaradood ayaa dad ay hore ugu dejiyeen kasoo qaaday magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halka diyaaradaha kale soo mareen magaalada Jabuuti.
Dabeyl ka jirta Muqdisho iyo jihada badda ah ee Bariga magaalada Muqdisho ayaa keentay in diyaaradaha Turkish Airline ka degi waayaan Garoonka maalmihii ugu dambeeyay.
SAWIRRO
GOOBJOOGE