Dowlada Qatar ayaa wafd culus oo dhinaca horumarinta qaabilsan u soo dirtay Soomaaliya, iyadoo ay qorsheyneyso inay mashaariic ka fuliso Soomaaliya.
Wafdiga waxaa hoggaaminaya Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee horumarinta Sheekh Khalifa Jassim Al kuwari, waxaana garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno uu horkacayaan Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaallaha Jamaal Mohamed Hassan, Wasiirka Amniga gudaha Mohamed Abukar Islow iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mukhtar Mahad Daud iyo mas’uuliyiin kale.
Wafdiga Dowladda Qatar ka socda oo ka kooban illaa iyo shan xubnood ayaa la kulmi doona Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Ali Khaire iyo sii-hayaha madaxweynaha Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari),
Socdaalka wafdigan ayaa jawaab u ah xiriiro kala duwan oo Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Qatar ay lahaayeen muddooyinkii ugu dambeeyay si loo taabageliyo maashaariic horumarineed oo dhaxalgal ah.
Dowladda Qatar ayaa balanqaaday dhowaan inay mashaariic horumarineed ka fulineyso Soomaaliya oo ay ka mid yihiin dhismaha Wadooyinka Muqdisho ee aada Jowhar iyo Afgooye.
SAWIRRO