Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu hadda ka socdo bannaabax ay dhigayaan ehelada askartii shalay lagu dilay magaalada Muqdisho.
Ehellada askara la dilay ayaa xiray qeybo ka mida waddada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarrama iyagoo dhagxaan ku xiray jidka inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka, waxayna diidaan in dadka iyo ciidamada u diideen inay Waddada maraan.
Wararka ayaa sheegaya in eheladaasi oo is abaabulay ay doonayaan in cadaalad ay helaan oo dadkii dilkaasi ka danbeeyay iyagana la dilo, waxayna gaar ahaan u soo bannaanbaxeen sida ay uga horjeedaan dilka Ciise Jiijiile.
SAWIRRO