Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax gaari oo Duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ka dhacay wadadda Maka Almukarama agagaarka Hotel Dayax oo u dhow Isgoyska Sayidka oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana gaariga qarxay ka kacay Dab xoog leh, iyadoo ay goobta xireen ciidamada amniga.
Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa la sheegay inuu lahaa sarkaal ka tirsan dowladda, iyadoo uu ka maqnaa marka uu qarxay, waxaana gaariga markaasi la dhigay wado yar oo Laamiga ku dhow, una dhaxeysa hotel Dayax iyo Isgoyska Sayidka.
Ma jirto cid waxa ku noqotay qaraxa lagu xiray gaariga, waxaana goobta xiray ciidamada amniga oo dadka iyo gaadiidka u diiday inay isticmaalaan wadadda, iyadoo markii danbe xaaladu caadi kusoo noqotay.