Labo gaari ayaa ku qarxay Isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in labada gaari ay haayeen kuwo lagu xiray waxyaabaha Qarxa oo loogu talogalay inay qarxaan.
Gaariga Koowaad ayaa ku qarxay Isgoyska dabka, una dhow Darta Colow ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay qasaare kaal duwan, halka gaariga labaad uu ku qarxay agagaarka Isgoyska dabka, siiba dhinaca hoose ee degaandega, iyadoo gaariga danbe aanu qasaare dhalin, laakin labadii ruux ee wadatay labada gaari ee qaraxday ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in Gaariga lagu qarxiyay isgoyska Debka in uu lahaa Prof Yahya Sheikh Caamir waxaana gaariga ku dhintay walaalkiis oo xilliggaasi gaariga watay, sida uu xaqiijiyey Proffesorka.
Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya oo goobta soo gaaray, iyadoo gadiidka gurmadka degdega ah ay halkaasi ka qaadeen dadkii dhaawacyadda soo gaareen.