Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoog leh oo galabta ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala beegsaday meel u dhow Baar lagu magacaabo London Gate restaurant oo ku yaalla Xamarweyne, isagoo dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
7 qof aya ku dhintay, halka in ka badan 10 kale ay ku dhaawacmeen qaraxa, sida uu sheegay afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fatatax Cumar Xalane, waxaa qaraxa uu qabsaday gaari dadweyne oo goobta marayay oo dad shacab ah ay saarnaayeen.
Gaariga qaraxa waday ayaa doonayay inuu la beegsado Gaari kale oo Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamada dowladda, kasoo dirqi uga baxsaday qaraxa.