Gaari si xowli ah ku socda ayaa lagu jiiray Cunsuriyiin caddaan ah oo ku bannaabaxaya magaalada Charlottesville ee ka mida Gobolka Virginia, ee dalka Mareykanka .
Qof ayaa ku dhintay, dhowr kalena waa ku dhaawacmeen falkan, iyadoo ay is fara saareen bannaanbaxayaal Caddaan xagjir ah iyo kuwo kale oo kasoo horjeeda, waxayna xaaldda magaaladaasi mareysaa meel halis ah.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii dad Caddaan ah oo kuwa Wadaniyadda ay madax martay ah bannaanbax weyn ka oogaan magaalada Charlottesville kaasoo uga horjeedaani in taallo uu leeyahay General Robert oo astaan u ah is adoonsigii Mareykanka laga qaado magaalada.
Bannaanbax kale oo ka horjeeda caddaanka xag jirka ah ayaa laga abaabulay isla magaalada, waxayna labada dhinac isku farasa saareen goobo dhowr ah oo dagaal ku dhex maray.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa farriin uu soo dhigay baraha bulshada ku baaqay in la joojiyo naceybka oo aan loo baahneyn qalalaase, waxaana lagu wadaa inuu dadka la hadlo xilli rabshadaha ay ku sii fidayaan magaalada Charlottesville.
SAWIRRO
https://twitter.com/severin_jahn/status/896445933331808267