Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay qarixii ka dhacay degaanka Dhannaane ee Gobolka Sh/hoose oo lagu dilay galabta Taliyihii Guutada 12-ka April ee ciidamada milateriga Soomaaliya Jen. Cumar Aadan (Cumar Dheere).
Qaraxa ayaa ahaa miino wadadda loo dhigay oo ku qaraxday Gaari Land Cruizer (Cabdi Bille) ah oo ay la socdeen Jen. Cumar Dheere iyo abaanduulihii Guutada 12-ka April Jeneraal Cabdi Cali Jamaame, waxaana ku wehliyey 7 askari oo ilaalo u ahayd oo dhammaantood ku geeriyooday qaraxa.
Geerida labada Jeneraal iyo ciidamada la socday waxaa ka tacsiyadeeyay madaxda dowladda sida Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha, wasiirada iyo xildhibanno dhowr ah, iyadoo si weyn loo hadal hayo Qaraxan oo dhaliyey qasaarihii ugu weynaa ee soo gaara milateriga Soomaaliya.