Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa soo bandhigay maanta Maxaabiistii uu ka qabtay kooxdii Alshabaab ee degaanadooda soo gashay kadib markii ay dib u soo laabteen degaanada Puntland.
Maxaabiista Alshabaab oo la isugu keenay Saldhiga Dhexe ee Magalada Gaalkacyo, ayaa la sheegay inay saddex ka mida ahaayeen.
Saddexa ruux ee ajnabiga kana tirsan Alshabaab ayaa wararku sheegayaan inay u kala dhasheen dalalka Kenya iyo Zimbabwe.
Wasiirka warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan (Mesegowaay) oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Galmudug ay si wanagsan ula dhaqmeyso Maxaabiista gacanteeda ku jira.
DAAWO SAWIRRO

Sawirada: Codkagalmudug