Howlgal lagu nadiifinayo Goobtii Qaraxu ka dhacay ee Isgoyska Soobe magaalada Muqdisho ayaa saaka xowli uga socda halkaasi iyadoo ay ku biireen dhalinyarro fara bdan oo is abaabulay.
Dhalinyaraddan oo isaga yimid xaafadaha Muqdisho ayaa ku biiray nadiifinta isgoyska Soobe iyo dhismooyinka burburay oo muddo maalmo ah lag wado howlgalka, waxaana awoodda qaraxa uu dhaliyay in halkaasi noqoto goob burburku yaalla ka badan boqolaal tan oo biro iyo dhagxaan ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku sugan goobta oo ka qeyb qaadanaya howsha nadiifinta ah ee socota..