Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Qalab isugu jira Gaadiid, Saanad Milateri iyo agab kale oo culus bilowday inay rarto magaalada Muqdisho, kadib markii la joojiyey howshii iskaashiga milateri ee labada dal.
Dekadda weyn ee Muqdisho ayaa lagu daabulayaa qalabkaasi milateri iyadoo uu taagan yahay Markab weyn oo Imaaraadku u soo diray in qalabkaasi lagu rarro, waxaan ka mida Gawaarida gaashaaman, Kuwa aanay rasaastu karin, agab kala duwan oo ciidameed iyo qalab ku jira Konteenaro fara badan oo laga soo saaray xerada Gordon ee Imaaraadku maamuli jiren.
Markabka Jabel Ali 7, ayaa qaadaya qalabkii ugu danbeeyay ee ciidamada Imaaraadka u yaallay magaalada Muqdisho, waxaan qeyb yar oo ka mida lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya, waxayna arrintan soo gabagabeysay joogitaankii milateriga Imaaraadka ee caasimadda oo dad badan ay shaki ka qabeen.