Dowladda Itoobiya ayaa qaaday tallaabo ay madaxweynaha maamulka Jubbaland kula kulansiiyey C/kariin Qalbi dhagax oo dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya.
Muuqaalo lasoo dhigay barta Axmed Madoobe ee Facebook oo ay xaqiijiyeen maamulka Jubbalanad ayaa waxaa kasoo dhex muuqday Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo xabsiga ku booqday Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbidhagax oo ka tirsanaa Jabhadda ONLF.
Dowladda Soomaalya ayaa si weyn loogu camaareeyay tallaabada ay Qalbidhagax ugu dhiibtay Itoobiya Augusto 2017, isagoo ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Adis ababa.
Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu dowladda Itoobiya ka codsaday inay sii deyso Qalbidhagax, isagoo sheegay inuu damaanad qaadayo inuusan ku kici doonin arrimo lid ku ah dowladda Itoobiya.
Axmed Madoobe ayaa laf ahaantiisa laga soo daayey xabsi Itoobiya ku yaalla kadib markii ay dowladii Sheekh Shariif dadaal u gashay iyadoo ay xireen ciidamada Itoobiya xilli uu ka mid ahaa maxkamadihii islaamiga 2007.