Xarakada Al-shabaab ayaa soo bandhigtay aqoonsi ay u sameysan odayaasha taageera ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Aqoonsigan oo ah mid carsi ah ayaa la siiyay odayaal dhaqameeed ay Alshabaab u qabatay Seminaar oo socday muddo afar maalmood, kaasoo uu soo qabanqaabiyay Maamulka Al-shabaab ee Shabeelalaha hoose.
Odayaasha oo laga kala keenay degaannada Gobolka Shabeellaha hoose ayaa tababarka ku qaatay Awdheegle, iyadoo kaararka aqoonsiga ah ay u suuragelinaaan inuu maro degaannada ay maamusho kooxda Al-shabaab.
SAWIRRO