Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta kulan weyn la yeeshay boqolaal Soomaalida Itoobiya oo isugu jira mas’uuliyiin, odayaal iyo shacab, isagoo kala hadlay xaaladda is-maamulka Soomaalida Itoobiya.
Abiy Ahmed waxaa kulanka ku wehliyey madaxweymaha cusub ee maamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo guddoomiyaha Xisbiga dimoqraadiga Soomaalida Itoobiya Ahmed Shidde, waxaa hoolka shirka ka dhacay buux dhaafiyey Soomaali boqolaal ah.
Abiy Ahmed ayaa kulanka ka sheegay inay arrimahaa ugu weyn ee uu ka dalbanayo Soomaalida ay yihiin saddex qodob oo kala ah: Dulqaad, Wadahadal, iyo Sharciga oo loo hoggaamno.
Odayaasha iyo xubnihii metelayey Dadweynaha Soomaalida Itoobiya ayaa iyaguna dhinacooda dowladda Federaalka ka dalbaday inay helaan Cadaalad ka dhaqan gasha maamulka Soomaalida oo tacadiyo waaweyn ay ka dhaceen, waxayna ku baaqeen in dadkii dembiilayaasha ahaa cadaaladda la horkeeno.