Waxaa magaalada Garowe ku qulqulaya wufuudda ka qeyb galeysa caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid C/llaahi Deni oo Sabtida 26-ka Janaayo dhaceysa.
In ka badan shan diyaaradood ayaa maanta ka degay Garoonka Maxamed Abshir ee magaalada Garowe, waxaana magaalada gaaray xubno ka kala socday Guddoomiyaha Aqalka Sare, wasiiro ka tiresan xukuumadda Fedraalka, wakiilada Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale.
Xubnaha dowladda Federaalka ka socda ee Maanta Garoowe gaaray ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Wasiirada Dhalinyarada & Ciyaaraha iyo Waxbarashada, Wasiiro ku xigeeno Guud ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed & Siyaasiga Salaad Cali Jeelle.