Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dadweyne fara badan ayaa saaka salaada Ciidul fitriga ku wada tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.
Amniga masjidka iyo guud ahaan magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana meel kasta lagu arkayey ciidamada amniga oo feejigan, iyadoo dadweyne intooda badan cagahooda maalay ay tageen masjidka.
Madaxweyne Farmaajo oo salaadii Ciidda kadib boqolaal shacab ah kula hadlay Masjidka Isbahaysiga ayaa ku booriyey d inay is garab qabtaan, lana shaqeeyaan hay’adaha amniga si dalka looga cirib tiro argagixisada.