Ciyaartoyda xulka kubada cagta Jubbaland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo oo ay geeyeen koobkii Kubada cagta Dowlad Gobaleedyada iyo Banaadir oo ay ku guuleysteen.
Madaxda Dowlad Gobaleedka Jubbaland uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Madoobe, ku xigeenadiisa iyo xildhibaannada Golaha Baarlamaanka maamulkaasi oo ay wehliyaan kumanaan dadweyne ayaa ku soo dhoweeyay Garoonkamagaalada Kismaayo iyadoo si weyn la isugu soo baxay soo dhoweynta ciyaartoyada xulka kubada cagta Jubbaland.
Masuuliyiinta Jubbaland ayaa si weyn u bogaadiyay guusha ay lasoo laabteen ciyaartoyda Jubbaland, waxaana magaalada oo dhan ka soconaya damaashaad xoogan oo ciyaartoyda lagu soo dhaweynayo.
SAWIRRO