Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo.
Madaxweyne Waare oo aan weli xilka loo caleemo saarin ayaa wafdi u hoggaamiyay magaalada Kismaayo si u uga qeyb galo shirka madaxda maamul goboleedyada, wuxuuna maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho oo muddooyinkii danbe uu ku sugnaa.
Waxaa garoonka Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxa maamulkiisa, iyadoo ay tahay shirkii ugu horeeyay ee madaxweyne Waare ka qeyb galo.
SAWIRRO