Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenynatta ayaa caawa casho sharaf ballaaran Madaxtooyada Kenya ugu sameeyay wafdiga madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii la socday.
Casho sharafta ayaa waxaa ka muuqday farxad iyo kaftan labada hogaamiye ay is weydaarsanayeen, waxaana ku sugnaa madax iyo xildhibaano fara badan oo lagu casuumay.
Kooxaha Fanka ayaa ku soo bandhigay heesho iyo ciyaaro hidaha dahaqanka Kenya, waxaana madaxweynaha Soomaaliya booqashado saddex maalmood ah ku joogaa dalka Kenya.
DAAWO SAWIRADDA