Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaalkiisii ugu horeeyay ku tegay dalka Itoobiya.
Madaxweynaha Somaliland ayaa hoggaaminaya wafdigii ugu weynaa ee taga Itoobiya oo ay ka mid yihiin: Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Ganacsiga, Warshada iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad, Wasiirka Waxbarashada iyo Seyniska Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratool, Taliyaha Ciidamada guud ee Somaliland S/Gaas Nuux Ismaaciil Taani, waxaana kasii horeeya Sacad Cali Shire Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo hore ugu sugnaa Itoobiya.
Kulan ay yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana la shaaciyey inay wadahadleean xiriirka labada dhinac, arrimaha xiriirka ganacsiga, Dekadda Berbera iyo xiisada Putland iyo Somaliland.
SAWIRRO