Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyey saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kadib xaflad ka dhacday Xarunta Madaxtooyadaoo lagu sharfay Guddigii Qabanqaabada Munaasabadihii maalmaha xoriyadda.
Saddexda sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu amaanay inay badbaadiyeen dokumintiyadii yaallay Xarumihii talisyada Booliska ooo ay tirsanaayeen, iyadoo madaxweynuhu sheegay inay tusaale nool u yihiin waddaniyiin badan oo dhiig iyo dhaqaale usoo huray badbaadinta dalka.
Saraakiishan oo la dalacsiiyey min hal darajo ayaa kala ah: G/ Sare Jaamac Cilmi (Timir) oo badbaadiyay kaydka Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, G/ Sare Abshir Xaashi Cali oo gacanta ku hayay keydka heesaha ee Radio Muqdisho iyo Dhamme Cabdi Maxamed Samatar (Cabdi Dheere) oo isna ilaaliyay dokumentiyadii muhiimka ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.