Madaxweynayaasha maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubbalanad C/weli Maxamed Cali Gaas, Axmed Ducaale Geelle iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa socod ku maray wadooyinka magaalada Cadaado.Saddexda madaxweyne ayaa kormeeray qeybo ka mida Magaalada Cadaado, waxaana markii dambe ay Warbaahinta kula hadleen Bartamaha Magaalada Cadaado.
C/weli Gaas ayaa sheegay in madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ay ka wadahadleen nabad ku soo celinta Gobolka Mudug si bulshada ay kalsooni ugu wada noolaadaan.
“Waxaan rabaa inaan caddeeyo, waxaan rabnaa inuu dhulkani uu nabad ahaado Soomaaliya nabad bay u baahan tahay, madaxweyne Xaaf waxaan ka wadahadalnay inaan kawada shaqeyno nabadda” ayuu yiri Gaas.
Madaxweynaha Galmudug ayaa isna yiri: “Waxaan dhex taagannay bartamaha magaalada Cadaado waana nabad, umadda reer Galmudug iyo reer Puntland waxaan idiin sheegeynaa aniga iyo Cabdiweli shacabkeenow israaca isku calool furnaada wixii dhiba way joogsan doonaan” .