Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad u jeediyay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Magaalada Kismaayo.
Ciidamada oo ah qeybta 43aad ee xoogga dalka ayaa dayac badan ku heystaa halkaasi iyagoo aan qalabeysneyn kadibn markii la tababarray, waxaana madaxweyn Farmaajo uu u balanqaaday inay dowladda Federaalka ay wax ka qaban doono baahidooda.
“Ciidamadeenna waa geesiyaal u babac dhigi kara kooxaha argagixisada ah. Waan dabooli doonnaa baahiyahooda si ay dalka iyo dadka u difaacaan..” ayuu yiri Farmaajo.
DAAWO SAWIRRO