Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.
Booqashada Farmaajo oo ah tii labaad ee uu ku tago Imaaraadka ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo Imaaraadka lagu eedeynayo inuu ka danbeeyo olole ka dhan ah dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo.
Waxaa garoonka Abu dhabi ku soo dhoweeyay wasiirka cadaaladda Imaaraadka Carabta Mudane Sultan Bin Saciid Al Badi. Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo La-taliyeyaal.
SAWIRRO


