Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»SAWIRRO: Madaxweyne Siilaanyo oo casho sharaf u sameeyay Wafdigii Gurmadka ee dowladda Federaalka dirtay

    SAWIRRO: Madaxweyne Siilaanyo oo casho sharaf u sameeyay Wafdigii Gurmadka ee dowladda Federaalka dirtay

    April 7, 20162 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Madaxweynaha Somaliland
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo  ayaa xalay casho sharaf u sameeyey Wafdigii dowladda Federaalka Soomaaliya u dirtay Somaliland ee deeqda lacageed ku oo gaareysa hal milyan oo doollar looguna talagalay dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku dhaqan deegaanadaasi.

    Weftigaas oo ka koobna 12 xubnood oo isugu jira salaadiin, culimaa’udiin, ganacsato iyo  haween, waxaana kulanka cashada ka qeybgalay madaxweynaha Soomaaliland, xubnaha ka tirsan maamulkiisa iyo mas’uuliyiin kale.

    Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, oo kamid ahaa mas’uuliyiin halkaasi dhowaan gaaray oo kulanka cashada ka hadlay ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiinta iyo shacabka Soomaaliland si wanaagsan oo ay u soo dhoweeyeen mudadii ay halkaasi ku sugnaayeen.

    Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, oo ah guddoomiye ku xigeenka hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in la isku gurmado in ay tahay mid qeybka ah Islaamnimada, walaaltinimada iyo Soomaalinimada isla markaana sidan oo kale ay Soomaaliland sameeyeen xilligii abaaraha ay ka jireen koofurta Soomaaliya sanadkii 2011ka.

    Wasiirka madaxtooyada Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi,wasiirka diinta iyo owqaafta Sheekh Xasan C/salaam, oo kulanka ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadceliyay wefdiga u soo gurmaday dadka walaalahooda ah oo ay abaaraha halakeeyeen.

    Ugu dambeyn madaxweynaha maamulka Soomaaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo hadalka qaatay ayaa dhankiisa mahad naq balaaran u jeediyay dadkii u soo istaagay in ay gurmad la soo gaaraan dadka dhibaateysan.

    Dhanka kale wefdiga ururada bulshada rayidka ah oo gurmadka gaarsiiyay deegaanada ay baarta saameysay ayaa saaka ku soo wajahan magaalada  Muqdisho kadib markii howshii ay halkaa u tagaan ay u soo dhamaatay.

    DAAWO SAWIRRO

    ????????????????????????????????????

    ????????????????????????????????????

    ????????????????????????????????????

    ????????????????????????????????????

    ????????????????????????????????????

    ????????????????????????????????????

    ????????????????????????????????????

    ????????????????????????????????????

    ????????????????????????????????????

    Isha: Borama online

    Deeqa abaaraha somaliland Guddiga abaaraha Siilaanyo Somaliland
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleIMF: Somalia’s Efforts at Rebuilding its Economy ‘Bearing Fruit’
    Next Article Culimada Ictisaam ee Puntland oo u jawaabay Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo