Hogaamiyayaasha in kabadan 50 dal oo Afrikaan ah ayaa ka qayb galaya shirweynaha Hindiya iyo Afrika oo lagu hormarinayo Ganacsiga iyo xiriirka dhaqaale ee dalka. Shirka Hindiya iyo Afrika ee ka socda New Delhi ayaa ah kii ugu waynaa waxaana ka hadlay Ra’iisal wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo balan qaaday dhaqaale ka badan 6 Bilan oo horumarin ah.
Hadalkiisii soo dhawaynta, ayuu Ra’iisalwasaaraha Hindiya uu ku tilmaamay Hindiya iyo Afrika inay yihiin meelaha rajada ay ka jirto dhaqaalaha adduunka. Wuxuu sheegay in qarniga kow iyo labaatanaad ay ahayd qarnigoodii ay ku qaabayn lahaayeen kuna dhisi lahaayeen dhaqaalahooda. Hindiya ayaa doonaysa qayraadka dabiiciga ee Afrika, halka Afrika ay doonayso inay ka faa’idaystaan aqoontooda dhinaca technonojiyadaiyo isgaarsiinta.
HOOS KA DAAWO FURITAANKII SHIRKA IYO MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA DHEX MUUQDA