Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhowaan la filayo inuu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta ku soo laabtay Muqdisho.
Diyaarad gaar ah ayaa wafdiga Sheekh Shariif kasoo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb galay, wasiiro, xildhibaano, iyo musharixiin kala duwan oo ay weliyaan boqolaal taageerayaal ah.
Imaanshaha Sheekh Shariif ayaa si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho waxaana garoonka lagu arkay siyaasiyiin uu ka mid yahay wasiirkii hore ee arrimaha guduha C/qaadir Cali Cumar.
DAAWO SAWIRADDA